Ku soo dhawaada hoyga fanaankii Maxamad Mooge Libaan. Waxaa qolkan loogu tala galay wixii ku sahabsan ama ka hadlaya hal-yay Maxamad mooge. Wixii lagu soo kordhinkaro wuu uu furan yahay dhaman dadka oo dhan wanaad mahadsan tihiin. 
Maxamad Mooge wuxuu ku dhashay magaalada Hargeisa taariikhdu markay ahayd 1945 kii halkaasuu ku barbaaray kana bartay wax barasha diisii quraanka iyo dugsiga hoose. Heesaagi ma dhafaanka ahaa ee reer Somaliland, Maxamad mooge wuxuu ahaa macaliin ka tirsanaa Wasaarada Waxbarashad, kar hor intaanu hantiyin dhagaha dadwaynaha. Wuxuu hoobol ahaan soo shaac-baxay toddobadanaadii.Maxamad waxaa taliskii soomaliya ka dhisnaa ka fadhiisiiyay shaqadii 1971kii, ka dib markuu talisku ku eedeeyay inaanu u jajabnayn hawlaha kacaan-ku-sheegaa boobay taladii dalka. Intuu dalka gudihiisa joogey wuxuu ku heesi jirey heesaha si dad-ban uga soo hor-jeeda taliska Maxamad siyaad barre. Toddobatanadii ayuu maxamaad si qarsoodi ah dalka kaga baxay, waxaanu in muudo ah kuu noola dalka Kiiniya iyo dalka Ingriska. Ka dib markuu naftiisa uga maaran waayayinay ka indho qarsatodurbaa-nadii beenta ahaa ee loo tumayey Siyaad barre iyo hurintiisa sacabka iyo mashxarada jeclayd. Dhaqdhaaqaaqii ugu horeeyey ee Siyaad diidka ahaa (Jabhada SSDF) ayuu bilogiiba Maxamad ku biiray, waxaanu qaaday hees cod leh oo si badheedh ah uga soo hor-jeeda taliska soomaliya, sida heestii ahayd (Somalidu ma hurudaa) iyo (Lix iyo labaatankii Juun ku lednay kowdi Luulyo Liibaaney kow iyo labatankii Octoobar leeleelay). Maxamad waxaa aad ugu beernayd nacaybka taliska nacabka ah, mana jirin heeso kacaan-amaan ah oo uu ku heesay muddadii ka badnayd kowiyo labaatankii sanadood ee mugdiga ahaa, xita ma jirin heeso uu Maxamad ku duubay idacadaha soomaliyeed, saabtuna waxay ahayd isaga oo u arkayey idacado aan ka wakil ahayn ama ku hadlayn afka shacbiga somaliyeed, sida darteed ayaa loo daremi karaa in heesaha Maxamad Mooge ku duuban yihiin cajaladaha madaxa banaan. Maxamad fankiisu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu mudan fanka loo yaqaan "Fadhiga". Waxaa la rumaysan yahay inaanu jirin guri af-soomali lagaga hadlo oo aanay heesaha Maxamad Mooge oolin. Wuxuu lahaa cod lab oo legddan oo hannaan farshaxanimo ku dheehan tahay iyo luuq aan carjabin oo dhegtu heellana, hanqal-taag iyo halhaleel ku dhegeysato. Wuxuu ahaa fanaan heesa-hiisu si gaar ah uu taallo, si goonni ahna cid waliba u dhandhansato, had iyo jeerna dadka ka dhex dhalisa dood iyo muran... Maxamad , wuxuu ahaa bulshaawi, qalanbaawi ah, aad iyo aad ayuu naftiisa ugu han-wayna. Wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan. Fanka Maxamad Mogee ma duuqoobi doono inta dad nool yahay. Maxamad wuxuu la dhashay hoobolka kale ee caanka aha Axmed mooge. ILLAHAY NAXARIISTII JANNO HA KA WARABIYEE WUXUU SHAHIIDEY MAXAMAD MOOGE TAARIKHDU MARKEY AHAYD 5/6/1984, isagoo hawlihii xoraynta ku fogaan.. WAXAAN ILAAHAY UU BARYAYA INUU NAXARIISTISA IYO RAXMADIISA KAGA BADBAADIYOO CADAABTA KUNA WAARSIYOO JANADA AMIIIN 
. view my guestbook | sign my guestbook get your free guestbook Copyright HAL ABUUR 2001 all Rights Reserved .
|